Waddamada caalamka oo Iiraan iyo Israa’iil ugu baaqay in ay is xakameeyaan

0
133

Waxaa isa soo taraya baaqyada ay hoggaamiyaasha dalalka kala duwan ee caalamka ay u dirayaan Iiraan iyo Israa’iil.
Labada dhinac ayaa lagu boorrinaya in ay is xakameeyaan si looga hor tago in ay sii ballaarato xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Cummaan ayaa cambaareysay weerar la sheegay in Israa’iil ay ka gaysatay gobolka Isfahan ee dalka Iiraan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa dhankeeda sheegtay in ay walaac ka muujinaysa xiisadda sii kordhaysa ee soo kala dhex gashay Iiraan iyo Israa’iil waxayna ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta.
Turkiga ayaa dhankiisa labada dhinac ugu baaqay in ay is xakameeyaan.
Talyaaniga, Ingiriiska , Midowga Yurub , Faransiiska , Netherlands , Ruushka , Shiinaha , Jarmalka ,Japan , Sweden, Canada iyo wakaaladda caalamiga ee tamarta atoomigga ee (IAEA) ayaa sidoo kale ku taliyay in xiisadda la dejiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here