DHAGEYSO:Furitaanka daarta cusub ee baarlamaanka oo dib loo dhigay

0
123

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetangula ayaa shaaciyay in dib loo dhigay qorsho lagu waday in maanta lagu furo daarta cusub ee baarlamaanka ee Bunge towers.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa la filayay inuu munaasabaddan ka noqdo marti sharaf.
Balse arrintan ayaa dib loogu dhigay geeridii ku timid taliyihii guud ee ciidamada militariga wadanka iyo saraakiisha kale.
Moses Wetangula oo sidoo kale guddoomiyo guddiga adeegga baarlamaanka ayaa sheegay in ay fursad siinayaan baroordiiqa qaran ee lagu dhawaaqay.
Waxaa uu xusay in daarta Bunge Towers la furi doono Khamiista soo socoto ee 25-ka bishan Afaraad abaare 9-ka subaxnimo.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhanka kale tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska , ehellada, asxaabta iyo dhammaan ciidamada ka dib geeridii Ogolla iyo howlwadeennada kale.
Waxaa uu caafimaad degdeg ah u rajeeyay inta shilkaasi ku dhaawacantay.
Mas’uuliyiinta kale ee tacsida diray waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua, wasiirka difaaca Aadan Barre Ducaale , madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi, madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka, dhigiisa ODM Raila Odinga , wasiirkii hore ee gaashaandhigga Eugene Wamalwa, madaxa waaxda cadaaladda dalka garsoore Martha Koome iyo kuwo kale.
Xidhibaanka deegaan baarlamaneedka Molo ee ismaamulka Nakuru ahna guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee maaliyadda, Kimani Kuria ayaa isna tacsidiisa sidatan u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here