Willy Mutunga oo ku baaqay in guddi baaritaan loo saaro shilkii uu ku dhintay Ogolla

0
107

Madaxii hore ee waaxda cadaaladda dalka Dr.Willy Mutunga ayaa soo jeediyay in guddi madax bannaan oo baaritaan sameeya loo saaro inuu eego shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacay ismaamulka Elgeyo Marakwet ee ay ku geeriyoodeen taliyihii guud ee ciidamada difaaca dalka iyo 9 sarkaal oo kale.
Mutunga ayaa ku talinaya in loo baahan yahay in guddigan rayidka laga qayb geliyo si meesha looga saaro wax kasta oo la iska dhaadhicin kara oo la xiriira dhacdadaasi.
Waxaa uu ka digay in la soo saaro guddi daboolo sidii ay wax u dhaceen.
Dhanka kale wasiirkii hore ee wasaaradda difaaca dalka Eugene Wamalwa ayaa kenyaanka ku boorriyay in ay ka war sugaan natiijada baaritaannada si xaqiiqada loo ogaado oo aan la adeegsan waxyaabo aan sax ahayn oo kala qaybsanaan keeni karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here