Qaraxyo laga soo tabiyay Iiraan

0
122

Waxaa lagu soo warramayaa in la adkeeyay hannaanka difaaca hawada sare ee dalka Iiraan.
Tani ayaa timid ka dib markii sida ay ku warramaysa warbaahinta maxalliga ah ee wadankaasi , qaraxyo ay ka dhaceen meel u dhow saldhig wayn oo ay ciidamada hawada ee xukuumadda Tehraan ku leeyihiin gobolka bartamaha ee Isfahan.
Warbaahinta ABC ee Maraykanka oo soo xignaysa sarkaal sare oo Ameerikaan ah ayaa tabinaysa in Israa’iil ay halkaasi ka gaysatay weerar gantaal loo adeegsaday.
Hasa ahaate Israa’iil iyo Iiraan ayaan ka hadlin weerarka la sheegay.
Sidoo kale waxaa la hakiyay duullimaadyada diyaaradaha ee magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Iiraan.
Waxaa jiro warar kale oo sheegaya in qaraxyo ay ka dhaceen dalalka Syria iyo Ciraaq.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Israa’iil ay wacad ku martay in ay si wayn uga falcelin doonto weerarkii ay Iiraan ku qaadday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here