Wasaaradda difaaca ee dalka oo seeraha Uhuru Park iyo Central Park ku wareejisay ismaamulka Nairobi

0
155

Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka ayaa si rasmi ah dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ugu wareejisay seeraha Uhuru Park iyo Central Park ee ku yaalla magaala madaxda wadanka ka dib dayactir ay ciidamada difaaca ee KDF-ta ku sameeyeen goobahan.
Waxaa munaasabaddan maanta goob joog u ahaa wasiirka wasaaradda difaaca ee wadanka Aadan Barre Ducaale iyo barasaabka Nairobi Johnson Sakaja.
Wasiirka ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid wayn oo muujinaysa waxqabadka militariga dalka.
Xarumahan ayaa loo sameeyay irrido dhowr ah iyo gidaar lagu xaqiijinaya amniga.
Sidoo kale waxaa jiro qaybo laga maamulaya meelaha laga galaya iyadoo si istaraatiiji ah loo dhigay sawirrada duurjoogta kala duwan.
Wasiir Ducaale ayaa laga soo xigtay in seerayaashan horay loogu gaystay burbur balse hadda ay yihiin kuwo cagaaran oo soo jiidasho leh.
Waxaa uu xusay in la hirgeliyay hannaanka lagu maareynaya dadka halkaasi tagaya , goobo laga cunteyn karo , meelaha wax lagu akhrisan karo iyo goobaha waysa qaadashada.
Heshiiska ay wada saxiixdeen isaga iyo guddoomiyaha Nairobi Johnson Sakaja ayuu ku tilmaamay nidaam sharciyeed oo hagaya geeddisocodka wareejinta seerayaasha Uhuru iyo Central.
Waxaa uu cadeeyay in xarumahan ay yihiin kuwo loogu talagalay in kenyaanka ay ku nastaan oo ay u damaashaad tagaan.
Barasaabka Nairobi ayaa cadeeyay in dadweynaha ay xarumahan adeegsan karaan si lacag la’aan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here