Israa’iil oo 7 qof ku dishay Rafah

0
84

Wakaaladda wararka ee dalka Falastiin ee WAFA ayaa ku warramaysa in duqeyn ay Israa’iil ka gaysatay magaalada ku taalla Koonfurta Marinka Qaza ee Rafah lagu dilay 7 qof.
Waxaa dadkan ka mid ah carruur iyo haween.
Dhanka kale madaxa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee (UNRWA) Philippe Lazzarini ayaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay u sheegay in duqeymaha Israa’iil ay Qaza ka dhigeen meel aan la aqoonsan karin.
Waxaa uu xusay in duullaanka militari ay ku badan tahay tixgelin la’aanta baniaadannimada.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar Sheekh Maxamad bin Cabdulraxmaan bin Jassim Al Thani ayaa sheegay in wada hadallada xabbad joojinta ee Qaza ay yihiin kuwo jiitamaya maadaama ay dhinacyada qaar dhexdhexaadinta u adeegsanayaan fulinta dano siyaasadeed.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 33,899 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 76,664 kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here