Hay’adaha dowliga oo digniin loo diray

0
160

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa digniin adag u diray dhammaan hay’adaha dowliga ee warbixinta hanti dhowraha qaranka lagu sheegay in aynan u hoggaansamin waxyaabaha laga doonaya.
Waxaa uu ku amray in ay muddo 21 cishe gudaheeda ah ku soo gudbiyaan warbixinno ku aaddan qaabka ay u saxayaan gaabadka lagu dhaliilay ee dhanka maareynta lacagaha dadweynaha ah.
William Ruto ayaa arrin walaac laga muujiyo ku tilmaamay in keliya boqolkiiba 24 ee hay’adaha dowladda ay dhameystireen hal-beegyada loo baahan yahay sida laga soo xigtay xafiiska hanti dhowraha guud iyo guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Hoggaamiyaha dalka ayaa si cad u sheegay in habdhaqanka noocani ah uu yahay qalad dhacaya oo aan la iskula xisaabtamin taasina aan marnaba la aqbali karin.
Madaxweynaha ayaa arrinkan ka sheegay shirweynaha qaran ee arrimaha mushaaraadka ee sanadkan oo lagu qabtay xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu xusay inuu isbeddel rajeynaya xilliga xiga ee dabagal hanti dhowr ah lagu sameeyo dhammaan wasaaradaha dowladda, waaxyaha hoos tago iyo hay’adaha dowliga ah.
Madaxweyne William Ruto ayaa shaaciyay in dowladdu ay dhaqangelinaysa tallaabooyin dhowr ah oo lagu xaqiijinaya in qarashaadka ku baxo mushaarka shaqaalaheeda uunan ka badan boqolkiiba 35 ee miisaaniyadda qaranka.
Waxaa uu tilmaamay in guulo laga gaaray yareynta qarashaadka mushaaraadka maadaama uu horay ahaa boqolkiiba 51 iyadoo uu hadda yahay boqolkiiba 46.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda dhexe, ismaamullada , guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee SRC iyo guddiga farsamada ee isku xira labada heer ee dowladda ay iska kaashan doonaan sidii qorshahan loogu guulaysan lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here