Golaha UNSC oo berri u codeyn doono xubinnimada Falastiin

0
108

Waxaa uu qorshuhu yahay in golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC uu berri u codeeyo codsi ay dowladda Falastiin ku doonaysa xubbinnimo joogto ah.
Dibloomaasiyiinta ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in Maraykanka uu arrinkan ka soo horjeesto.
Waxaa codeyn doono 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Si golaha uu qaraarka u ansixiyo, waxaa loo baahan yahay taageerada ugu yaraan 9 xubnood iyo in dalalka Maraykanka, Ingiriiska , Faransiiska , Ruushka iyo Shiinaha aynan adeegsan awoodooda diidmada qayaxan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here