DHAGEYSO:Qoyska wariye lagu xiray Muqdisho oo warbaahinta la hadlay

0
219

Xildhibaano, Suxufiyiin iyo Qoyska Wariye Xuseen Cabdulle oo shir jaraa’id qabtay ayaa war ka soo saaray xarigga Muqdisho loogu gaystay.
Waxay laamaha ammaanka ku eedeyeen in xarigga suxufigan aan loo marin habraaca habboon iyagoo ku baaqay in si degdeg oo shuruud la’aan ah loo siidaayo.

Dhanka kale, xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamad Sheekh oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in la is dejiyo isagoo ballan qaaday in arrintan xal laga gaari doono oo uu wariyaha xurriyadiisa dib u helaya.

Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka soomaaliyeed ee NISA ayaa la sheegay inay xalay xireen Wariye Xuseen Cabdulle Maxamad oo ah Milkiilaha SYL Somali TV.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta loo xiray wariyaha mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo arrinkan ku aaddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here