Puntland oo sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay xildhibaanada ku matala labada aqal ee baarlamaanka

0
167

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegay inuu kalsoonidii kala noqday xildhibaanada ku matala labada aqal ee baarlamaanka ee ka soo horjeeda go’aannada ay Puntland ka qaadatay xiriirka dowladda federaalka.
Puntland waxay sheegtay in xildhibaanadaasi aysan ku matali karin Muqdisho.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa yiri hadalkan, isagoo sheegay in xildhibaanada ay Puntland u dirsatay Muqdisho ay mucaarad ku noqdeen deegaanadii laga soo doortay
“Qofka meesha laga soo doortay mucaarad ku noqday, xagguu joogayaa? Waa inay ogaadaan in aanay xasaanad lahayn haddii ay dafireen deegaankii laga soo doortay, iyaga iyo dadka suuqa jooga waa isku mid.” Ayuu yiri wasiir Caydiid Diri.
Hadalka wasiirka warfaafinta Puntland ayaa yimid, xilli qaar ka mid ah xildhibaanada labada aqal ah ee ka soo jeeda Puntland, ay sheegeen inay iyagu arrimaha Puntland kala xaajoonayaan dowladda federaalka, maadaama uu madaxweyne Deni xiriirka u jaray dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Xildhibaannadan ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu arrimo siyaasadeed oo isaga u gaar ah uu kula dirirsan yahay dowladda federaalka, taasoo ay sheegeen inay kala dhalatay in dadka reer Puntland ay waayaan mashaariicdii ay xaq u lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here