DHAGEYSO:Dab baabi’iyay ku dhawaad 50 carwo oo maanta ka kacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

0
253

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dab gaystay khasaare hantiyadeed oo fara badan oo maanta ka kacay dhismayaal ganacsi oo ku yaalla bartamaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Dabka oo faafayay dhowr iyo toban daqiiqo ayaa ka billowday carwo dharka lagu iibiyo oo ku taalla qaybaha dahablaha, kadibna dabka ayaa ku sii faafay goobo ganacsi oo kale oo ku yaalla qaybaha dahablaha iyo maacuunta ee Suuqa Bakaraaha.
Gaadiidka dab damiska ee Shirkadda hormuud iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa markii dambe gaaray aagga uu dabka ka socday, islamarkaana ku guuleystay inay demiyaan dabkaasi .
Qaar ka mid ah Ganacsatada lahayd goobaha gubtay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dabka uu baabi’iyay ku dhawaad 50 carwo oo lagu iibinayay dharka ciidda ee sanadkan iyo kuwo kale oo maacuunta lagu iibinayay.

Dabka qabsada Suuqa bakaaraha ayaa muddooyinkan soo laalaabanayey, dhowr toddobaad ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale uu dab qabsaday qaybta loo yaqaano Cabdalla shideeye ee lagu iibiyo agabka Elektoroonikada ee Suuqa bakaaraha.
Sidoo kale dabkan ayaa ku soo aadaya xilli suuqa bakaaraha iyo suuqyada kale ee caasimadda mashquul badan uu ka jiray maalmahan, ka dib markii ay u soo dukaameysi tageen dad fara badan, u diyaargarowga munaasabadda ciida awgeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here