Golaha xuquuqul aadanaha ee QM oo dalbaday in aan Israa’iil hub laga iibin

0
161

Golaha xuquuqul insaanka ee qaramada midoobay ayaa dalbaday in dowladaha ay joojiyaan in ay hub ka iibiyaan Israa’iil.
Waxaa uu goluhu ansixiyay qaraar dhanka kale ku baaqay in Israa’iil lagula xisaabtamo inay dembiyo dagaal ka gaysatay Marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha Israa’iil ay weli ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 33,091 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 75,750 kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here