Marwada koowaad ee dalka oo la guddoonsiiyay abaal marinta baniaadannimada

0
161

Marwada koowaad ee dalkani Kenya , Rachel Ruto ayaa wadanka India lagu guddoonsiiyay abaal marinta baniaadannimada ee uu bixiyo machadka culuunta sayniska bulshada ee KISS.
Machadka Kalinga Institute of Social Sciences ayaa ku yaalla magaalada Bhubaneswar ee dalka India.
Biladdan oo sanadla ah ayaa lagu sharfaa shakhsiyaadka door wayn ka qaata u adeegidda aadanaha ee caalamka.
Rachel Ruto ayaa khudbad ay halkaasi ka jeedisay ku sheegtay in si wayn loogu baahan yahay in loo midoobo la tacaalidda caqabadaha caalamka sida saboolnimada iyo isbeddelka ku yimaada cimillada.
Sidoo kale waxay carrabka ku adkeysay inay ka go’an tahay ka shaqeynta arrimaha haweenka, carruurta iyo qaybaha nugul ee bulshada.
Marwada koowaad ee dalka waxay ku talisay in haweenka laga qayb geliyo barnaamijyada dhaqaale , wax ka bashada saameynta isbeddelka cimillada iyo sare u qaadidda awoodsiinta dhallinyarada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here