Hal qof oo ku dhintay roobab ka da’ay Hong Kong

0
362

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada hal ruux halka 83 kalena ay dhaawacmeen ka dib daadad ka dhashay roobab culus oo ka da’ay Hong Kong .
Roobabka ayaa lagu sheegay kuwii ugu xooganaa muddo 140 sano ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in biyuhu ay buux dhaafiyeen waddooyinka , goobaha laga dukaameysto ,marinnnada iyo meelaha laga raaco tareennada .
Maamullada ayaa amar ku bixiyay in dugsiyada Hong Kong la xiro halka shaqaalaha lagu amray inay guriyahooda ku sugnaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here