QM oo qabanaysa xus ka dhan ah islaam naceybka

0
249

Qaramada Midoobay ayaa maanta qabanaysa xus caalami oo lagu dagaallamaya islaam naceybka.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagu xakameeyo naceybka, takoorka iyo shaqaaqooyinka ka dhanka ah muslimiinta.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr.Antonio Guterres ayaa sheegay in xuskan lagu doonaya in lagu baaqo tallaabooyin lagu cirib tiraya islaam naceybka.
Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in hal meel ah looga soo wada jeesto takoorka diimeed.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here