40 qof oo daneynaya kursi baarlamaneedka Kandara

0
239

Waxaa lagu soo warramayaa in ilaa 40 qof ay daneynayaan inay u tartamaan xilka deegaan baarlameedka Kandara ee ismaamulka Murang’a.
Kursigan ayaa bannaanaaday ka dib markii ay is casishay Alice Wahome oo shacabka halkaasi ku nool baarlamaanka ku matalaysay.
Wahome ayuu madaxweynaha dalka William Ruto u magacaabay wasiiradda biyaha iyo waraabka waxaana xilkaasi u ansixiyay golaha xeer dejinta iyadoo dhaarin ka dib xafiiska la wareegtay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in musharraxiinta u hanqal taagaya jagadan ay badankoodu ka tirsan yihiin xisbiga UDA.
Deegaanka Kandara waxaa ka diiwaangashan ilaa 105,148 oo codbixiyeyaal ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here