Sacuudiga oo cambaareeyay qaraxii Istanbul

0
161

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kulul u cambaareysay qarax ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya ayaa bayaan ku sheegtay inay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Turkiga.
Qaraxyada ayay sheegtay in loo fuliyey si ay fuleynimo ku dheehan tahay.
Waxay tacsi u dirtay qoysaska ay eheladooda ku waxyeelloobeen qaraxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here