Waxaa uu qorshuhu yahay in aqalka sare ee dalka uu galinka dambe ee berri yeesho kal-fadhi gaar ah oo lagu eegaya tallaabadii ay dhawaan wakiillada golaha hoose ee Meru ay xilka uga xayuubiyeen barasaabka ismaamulkaasi Kawira Mwangaza.
Guddoomiyaha aqalka sare Amason Kingi ayaa kulankan isugu yeeray.
Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka ayaa sheegay in kal-fadhiga gaarka ah uu billaaban doono abaare 2:30 duhurnimo ee Arbacada.
Waxay senatarrada dhageysan doonaan mooshinkii xilka looga qaaday Mwangaza.
Khamiistii hore ayay ahayd markii 49 ka mid ah wakiillada hoose ee ismaamulka Meru ay codkooda ku taageereen mooshin markii saddexaad xafiiska looga saaray barasaabka ka dib markii ay ku eedeyeen ku xadgudubka dastuurka iyo in ay awoodeeda hoggaamineed ku tagriifashay.




