Aden Bare Ducaale oo ka hadlay shil gaari ay ku dhinteen seddax qof

0
475

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Aadan Ducaale ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmay shil gaari oo Axaddii dhacay ay daweynayaan.
Dhacdadu waxay ka dhacday Wadada weyn ee Kisumu-Busia oo u dhow aagga Otonglo xilli uu wasiirka ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Kisumu ka dib markii uu ka qayb galay xaflad ka dhacday Degaanka Siaya.
Isagoo ka hadlayay dhacdadan habeenimadii xalay , xilli uu afur la qaadanayay xubno ka tirsan Ururka Xirfadlayaasha Caafimaadka Muslimiinta Kenya (KAMMP), Ducaale wuxuu sheegay inuu si kooban dib ugu dhigay safarkiisa si loo hubiyo in dadka dhaawacmay la caawiyo loona qaado isbitaalka.
Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shilka gaari oo ay ku lug lahayeen kolonyada Adej Bare Ducaale.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in dadkii dhaawacmay loola cararay isbitaalka isla markaana ay si fiican u soo kabanayaan shilkaas ka dib.
Ma jirto waxyeelo soo gaartay kooxdii la socotay baabuurka Wasiir Ducaale.
Si kastaba ahaate Wasiirka Caafimaadka ayaana ka badbaaday shilkaas.