DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo dhagax dhigay dhisidda xarunta kansarka ee Kisii

0
239

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta dhagax dhigay dhisidda xarunta lagula tacaali doono cudurka kansarka ee ismaamulka Kisii.
Waxaa uu sheegay in qorshaha dowladda uu yahay in dhameystirka mashruucan uu qaato hal sano iyo bar si dadweynaha Kisii ay meel u dhow uga helaan daryeel caafimaad oo gaar ah oo tayeysan.
Xaruntan ayaa noqonaysa midii saddexaad ee laga hirgelinaya gudaha waddanka marka laga soo tago ismaamullada Nairobi iyo Mombasa.
Dhisidda xarunta la tacaalidda cudurka kansarka ee Kisii ayaa waxaa ku baxaysa qiyaastii 3.2 bilyan oo shilin.
Madaxweyne William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay billaabaysa sanduuq caymis ah oo suurtagelinaya in kenyaanka xanuunkan qabo laga daaweeyo.