Israa’iil oo baaraysa dil ay Xamaas sheegtay in ay gaysatay

0
290

Militariga Israa’iil ayaa baaritaan ku sameynaya bayaan ka soo baxay ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Waxaa qoraalkaasi lagu shaaciyay geerida mid ka mid ah dadkii laga qabtay Israa’iil ee lagu hayay Qaza.
Bayaanka waxaa ku cad in dhacdo kale lagu dhaawacay labo qof oo dheeraad ah.
Ciidamada qalabka sida ee Israa’iil ayaa hoosta ka xarriiqay in ay sheegashada Xamaas ku hayaan baaritaano xaqiiqo raadin ah.