Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ciidamada Puntland oo rasaaseeyay dad bannaanbax ka dhigayay Boosaaso

Ciidamada Puntland oo rasaaseeyay dad bannaanbax ka dhigayay Boosaaso

Ciidamadda ammaanka ee dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa Maanta rasaaseeyay dad shacab ah oo bannaanbax kaga hortagay Xubno ka tirsan guddiga KMG ah ee doorashooyinka oo Xukuumadda u dirtay Magaalada Boosaaso si ay u soo qiimeeyaan goobo lagu qabanayo doorashada.
Dadka ayaa ka soo horjeeday qorshaha Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee ah in 12 degmo laga qabto doorasho qof iyo cod ah, taas oo siyaasiyiintii doorashada kula tartamay Madaxweynaha Puntland ay sheegeen in uu kaga gol leeyahay Madaxweynaha muddo kororsi.
Lama oga khasaaraha dadka Shacabka ah ka soo gaaray rasaasta lagu furay, waxaana xaalad kacsanaan ah Maanta laga dareemayaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli Magaalada Garoowe ay ka dageen Wafdi caalami ah oo ka socda Beesha Caalamka, sidoo kalena dhawaan maleeshiyaad hubeysan ay si xoog ah kula wareegeen Agab loogu talo galay doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments