Mas’uuliyiinta sare ee Midowga Afrika iyo la howlgalayaasha horumarinta ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo ballaaran loo qaato tiknoolojiyada dijitaalka ah si wax looga qabto waaxda beeraha ee qaaradda.
Waxaa ay hadalkan ka jeediyeen kalfadhigii furitaanka ee Shirka midwowga Africa ee Beeraha Dijitaalka ah, kaas oo cinwaankiisu ahaa “Qaabaynta Siyaasadda Beeraha ee Mustaqbalka Afrika: Hal-abuurka, Cimilada, iyo Isbeddelka Dijitaalka ah ee Horumarinta Waarta kaas oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.
Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga AU-da Selma Malika Haddadi oo ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in qaadashada tiknoolojiyada ay tahay mid muhiim u ah casriyeynta beeraha Afrika iyo guud ahaan horumarka dhaqan dhaqaale.
Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Deegaanka Waara Moses Vilakati ayaa dhankiisa sheegay in ka faa’iidaysiga tiknoolojiyada dijitaalka ah ay tahay lama huraan muhiim u ah gaaritaanka amniga cuntada ee Afrika.




