Ciidamada Ruushka oo caasimada Ukraine ku qaaday weerarro xooggan

0
63

Ku dhawaad degmo kasta oo ku taal caasimada Ukraine ee Kyiv ayaa la kulantay weerar “ballaaran” tan iyo waaberigii saaka, sida uu sheegay Duqa Magaalada Vitaly Klitschko.
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay in ka badan 30 kalena way ku dhaawacmeen weerarka, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ukraine Ihor Klymenko.
Dhanka kale Ciidamada difaaca cirka ee Ruushka ayaa xalay soo riday 216 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ay leedahay Ukraine, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca, iyadoo 66 diyaaradood oo aan duuliye lahayn lagu soo riday gobolka koonfureed ee Krasnodar ee Ruushka.
Hay’adda amniga ee FSB ee Ruushka ayaa sheegtay inay fashilisay qorshe ay Ukraine ku doonaysay inay ku disho sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Ruushka oo aan la magacaabin waxaa ayna ku eedeysay xukuumadda Kyiv inay qorsheyneysay weerarro la mid ah oo ka dhaca qaybaha kale ee dalka.