Ururka Kaniisadaha iyo Baadariyaasha Kenya CCAK ayaa si xooggan u cambaareeyay Senatorka ismaamulka Nandi, Samson Cherargei, ka dib markii uu sameeyay waxa ay ugu yeereen “hadallo nasiib darro ah oo aan habboonayn” intii lagu guda jiray munnaasabad kaniisadeed oo ka dhacday deegaanka Kapsabet 9-kii bishan November.
Intii ay xafladda socotay, Cherargei ayaa waxaa uu digniin u diray dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ee Kenya kuwaas oo uu ku eedeeyay inay khalkhal gelinayaan xasilloonida gobolka iyagoo muujinaya “dhaqan xun,” isagoo ku booriyay madaxda dalalka Bariga Afrika inay tallaabo ka qaadaan.
Guddoomiyaha Qaran ee CCAK Baadari Hudson Ndeda, ayaa sheegay in hadallada uu jeediyay senatorka“ay u dhigamaan faafinta rabshadaha jireed ee ka dhanka ah dhaqdhaqaaqayaasha oo muhiim u ah dimuqraadiyadda dalka.”
Baadari Ndeda ayaa sheegay in ururka uu ka naxay “in senator uu ku hadlo hadallo aan ku habboonayn hoggaamiye.”
CCAK ayaa ku baaqeen in Taliyaha Guud ee Booliiska uu baaro hadallada senatorka, iyagoo ku booriyay Guddiga Qaran ee Wadajirka iyo Isdhexgalka ee (NCIC) inuu u yeero senatorka maadaama hadalladiisa ay sababi karaan rabshad.
Sidoo kale, waxaa ay sheegeen inay doonayaan in Aqalka Senate-ka uu soo saaro mooshin cambaareen adag oo ka dhan ah senatorka, iyagoo sheegay in ay habbooneed inuu xilka iska casilo maadaama dhaqankiisa aan ku habboonayn hoggaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Ururku wuxuu sidoo kale ku booriyay kaniisadaha dalka oo dhan in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah marka xilliga siyaasadda soo dhowaado, iyagoo ka digaya in siyaasiyiinta ay ka faa’iidaystaan munnaasabadaha kaniisadda si ay u abuuraan kala qaybsanaan ama hadallo khatar ku ah midnimada qaranka.
Home Wararka Kenya Hoggaamiyeyaasha Kaniisadda oo dalbaday in la qaado tallaabo ka dhan ah Samson...




