Ugu yaraan 2 qof oo dhintay halka 21 kale la la’yahay ka dib dhul-go’ ka dhacay jasiiradda Java ee Indonesia

0
52

Ugu yaraan laba qof ayaa dhintay halka 21 kalena la la’yahay ka dib markii dhul-go’ ka dhacay Indonesia, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta, halka kooxaha gurmarka degdega ay weli baadigoobayaan dadka la la’yahay.
Roobab xooggan oo maalmo socday ayaa sababay dhul-go’yo ku dhacay guryo badan oo ku yaalla saddex tuulo oo ka tirsan degmada Cilacap ee gobolka Dhexe ee Jasiiradda Java sida lagu sheegay war saxaafadeed ay Jimciha maanta ah soo saareen mas’uuliyiinta deegaanka.
Muuqaallo ay soo saartay Hay’adda Badbaadada Qaranka ayaa muujiyay kooxaha gurmadka oo raadinaya dadka ku hoos aasan burburka guryaha.