Booliiska oo gaari kale ka soo saaray guri looka shakisan yahay inuu leeyahay mid ka mid ah tuugta baabuurta

0
726

Booliiska magaalada Kisumu ayaa gaari kale ka soo saaray guri kiro ah oo ku yaala deegaanka Migosi estate oo looga shakisan yahay in uu qeyb ka ahaa gawaaridii la xaday ee la soo helay Talaadadii. Tani ayaa ka dhigeysaa tirada baabuurta ee booliiska gacanta ku soo dhigeen 12 gaari.
Saraakiisha booliiska ayaa weeraray guriga Evans Otieno Meda, oo ah tuhmanaha ugu weyn, kaas oo wali baxsad ku jira waxayna soo heleen gaari nooca Toyota Voxy oo taarikadhiisu tahay KDS 990N.
Booliiska ayaa baaritaan ay ku sameeyeen lahaanshaha gaadiidka ee maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka ee NTSA, waxaa ay ku ogaadeen in 1 kaliya uu leeyahay tuhmanaha ugu weyn kiiskan.
Waxaa ay intaa ku dareen in 11-ka baabuur ee kale ay leeyihiin shaqsiyaad ka baxsan ismaamulka Kisumu.
Michael Mwaga iyo Peter Andei, oo ah laba eedeeysane oo la xiray Talaadadii ayaa maxkamadda la soo taagi doonaa Arbacada maanta ah.