Maasai Mara oo si rasmi ah loogu soo daray Buuga Diiwaanka Adduunka

0
431

Keydka Qaran ee Maasai Mara ayaa si rasmi ah loogu daray Buugga Diiwaanka Adduunka ee martigelinta Socdaalka Duurjoogta Dhulka ee Sannadlaha ee ugu Weyn.
Socdaalkan ayaa waxaa ku lug leh malaayiin duurjoog ah sida dameer farowga kuwaas oo mara seeraha Maasai Mara iyo Serengeti ee dalka Tanzania, wakhtiyada gaarka ah ee sanadka, gaar ahaan xilliyada roobabka, iyagoo raadinaya dhul daaqsimeed cusub iyo biyo.
Arrintaas ayaa keentay in malaayiin dalxiisayaal ah oo ka kala yimid daafaha caalamka ay u safraan si ay indhahooda ugu soo arkaan tahriibka, taasoo loo arko in ay tahay mid ka mid ah yaababka adduunka.
Warqad uu u diray barasaabka gobolka Narok, Patrick Ole Ntuntu, madaxweynaha buuga diiwaanka adduunka Santosh Shukla, ayuu ku sheegay in socdaalkan uu yahay tahriibka ugu weyn uguna yaab badan ee soo mara caalamka.
Sida laga soo xigtay Santosh, diiwaanka ayaa waxaa uu ka tarjumayaa ka qayb qaadashada kaydka ee ilaalinta duurjoogta iyo dalxiiska deegaanka waarta.
Guddoomiyaha Narok oo soo dhaweeyay aqoonsigan caalamiga ah ayaa sheegay in socdaalka uu ahaan doono mid aasaasi u ah muujinta muhiimada deegaanka ee Maasai Mara, kaas oo ay ku xiran yihiin in ka badan 25 noolaha duurjoogta dalka.
Masaai Mara ayaa la aasaasay sanadkii 1961-kii waxaa uuna u taagan yahay mid ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee dalxiiska ee dalka. Kaydka ayaa waxaa ku nool in ka badan 95 nooc oo xayawaanka duurjoogta ah iyo in ka badan 570 nooc oo shimbiro ah.
Ntuntu ayaa xaqiijiyay in maamulka gobolka uu ahaan doono mid safka hore kaga jira xaqiijinta in kaydka uu ahaado goob loo dalxiis tago, gaar ahaan iyadoo la xoojinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga.