Siddeed qof oo la tuhunsan yahay inay gubeen Saldhigga booliiska Mawego oo maxkamadda la soo taagay

0
426

Siddeed tuhmane oo lala xiriirinayo weerarkii 3-dii bishan Luulyo, ee lagu gubay Saldhigga Booliiska ee Mawego ee ku yaal maamul hoosaadka Waqooyiga Rachuonyo ee ismaamulka Homa Bay, ayaa Talaadadii la soo taagay Maxkamadda Sharciga ee Kahawa.
Tuhmanayaasha oo kala ah Kennedy Oluoch Oluoch, Nicholas Otieno, Tofiq Owiti Maxamad, Michael Omondi Opiyo, David Bill Clinton Otieno, Robert Ouko Abala, Samuel Ouma Odhiambo, iyo Erick Obunga Osumba, ayaa lagu xiray amaro xabsi ah oo ay soo saartay maxkamadda sharciga Oyugis.
Waxaay ka soo hormuuqdeen Garsooraha Sare ee Maxkamadda Kahawa Richard Koech, halkaas oo ay ku wajaheen saddex dacwadood oo ay ku jiraan eedeymo argagixisanimo oo ka soo horjeeda sharciga.
Intii ay socotay dhageysiga dacwadda, dhammaan siddeedda tuhmane ayaa iska fogeeyay eedeeymaha loo jeediyay.
Kiiskan ayaa la dhageysan doonaa 22-ka bishan si loo go’aamiyo in eedeeysanayaasha lagu sii dayn karo dhamiin lacageed iyaga hadda ku sii jiri doono xabsiga dowladda ee Kamiti.
Eedeysanayaasha ayaa la sheegay inay soo abaabuleen weerarkii dhacay 3-dii bishan kaasi oo ay saraakiisha dambi baarista sheegeen inuu sababay burbur hantiyeed intii ay socdeen mudaaharaadyo looga soo horjeeday geeridii Albert Ojwang.
Taliyaha booliiska ee ismaamulka Homa Bay Lawrence Koilen ayaa cambaareeyay rabshadaha wuxuuna xaqiijiyay in xafiiska taliska ee Saldhigga Mawego uu ka mid ahaa xarumaha la burburiyay.