Maxkamada Berlin oo sharci darro ku tilmaamtey in dhakhtar Falastiini ah uu ka hadlo Jarmalka

0
470

Maxkamadda maamulka ee magaalada Berlin ayaa xukuntay in amar lagu soo rogay dhaqtar Falastiin ah oo lagu magacaabo Ghassan Abu Sittah ee looga joojinayo inuu ka hadlo Jarmalka uu ahaa sharci darro.
Arrintan ayaa waxaa la wadaagay warbaahinta Al Jazeera afhayeen u hadlay maxkamadda.
Maxkamadda ayaa waxaa ay xukuntay in aan la filanayn in Abu Sittah, oo ah dhakhtar qalliin oo ka soo shaqeeyay Qaza, inuu galo dembi ama uu khatar ku yahay nidaamka dimuqraadiga ah ee Jarmalka isagoo ka hadlaya Congress-ka Falastiin, halkaas oo lagu martiqaaday inuu ka hadlo bishii April ee 2024-kii.
Garsoorayaasha ayaa sheegay in aysan helin wax hadal ah oo ka soo yeeray Abu Sittah tan iyo 7-dii Oktoobar, 2023-kii ee ahaa dabeecad dambiyeed ama calaamado muujinaya taageerada ururada argagixisada.
Maxkamadda ayaa waxaa ay intaa ku dartay in Abu Sittah xaaladiisa goob-jooge taariikhi ah, oo marqaatigiisa ay dhageysatay maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC, ay ahayd in sidoo kale ay tixgeliso maamulka Berlin, iyo sidoo kale xuquuqda uu u leeyahay xorriyadda hadalka.
Gobolka Berlin ayaa ku dooday in Abu Sittah uu yahay taageere Xamaas, iyagoo sheegay inuu ka qayb qaatay shir jaraa’id oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta oo lagu qabtay Isbitaalka al-Shifa ee magaalada Qaza.