Qoyska Sayfollah Musallet, oo 20 sano jir ah oo haysta dhalashada Maraykanka, kana soo jeeda Gobolka Florida, oo ay dileen dadka Israa’iiliyiinta ah ee deggan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, ayaa ugu baaqaya Xukuumadda Washington inay bilawdo baaritaankeeda dhacdadan iyo inay la xisaabtanto dembiilayaasha.
Qoyska Musallet ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in dadka Israa’iiliyiinta ah ay ku hareereeyeen isaga muddo saddex saacadood ah intii uu socday weerarku Jimcihii oo ay weerareen dhakhaatiir isku dayay inay gaaraan oo ay naftiisa badbaadiyaan.
Xukuumadda Washington ayaa horay uga hortimid baaqyo ku aaddan in baaritaan lagu sameeyo dilalka ay ciidamada Israa’iil u geysteen muwaadiniinta Mareykanka ah. Taas beddelkeeda, saraakiisha Maraykanka ayaa sheegeen in Israa’iil ay awood u leedahay inay baarto xad gudubka ciidamadeeda.
Si kastaba ha ahaatee baaritaanada Israa’iil ayan hor seedin xarig iyo dacwad ka dhan ah saraakiisheeda.
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay gellinkii dambe ee Jimcaha in “aysan lahayn mudnaan ka sarreysa badqabka iyo amniga muwaadiniinta Mareykanka ee dibadda ku nool”.
Ciidamada Israa’iil ayaa dilay ugu yaraan 9 qof oo dhalasha ahaan ka soo jeedo Mareykanka tan iyo sanadkii 2022-kii, oo ay ku jirto saxafiyad lagu magacaabi jirey Shireen Abu Akleh oo ka howlgaleysay warbaahinta Al Jazeera.




