5 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay ismaamulka Makueni

0
236

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada shan ruux halka dhowr kalena ay dhaawacmeen ka dib shil laga soo tabiyay waddada wayn ee xiriirisa Nairobi iyo Mombasa gaar ahaan aagga Kambu oo ka tirsan deegaanka Kibwezi ee ismaamulka Makueni.
Shilka oo xalay dhacay ayaa u dhexeyay bas, mid ka mid ah baabuurta xamuulka iyo cagaf-cagaf.
Waxaa shilka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliiska ee Kibwezi Peter Maina.
Taliyaha ayaa sheegay in baska oo ka ambabaxay magaalada Nairobi oo ku wajahnaa Mombasa uu cagaf-cagafta ku dhacay ka hor inta aynan isku dhicin gaariga xamuulka.
Peter Maina ayaa intaasi ku daray in shanta qof ay isla goobta ku dhinteen.
Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaallada magaalooyinka Kibwezi iyo Makindu si loo daaweeyo.