Wasaaradda difaaca ee Israa’iil ayaa bixisay amar lagu mamnuucaya inay halkaasi tagaan saddex ka mid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaasi.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu kala magacaabaa Mahmud al-Alul, Azzam al-Ahmad iyo Rawhi Fattouh.
Waxaa loo haystaa inay booqdeen muwaadin lagu magacaabo Karim Younis oo ay ugu tageen hooygiisa tuulada waqooyi ee Ara ee Israa’iil.
Khamiistii ayay ahayd markii ninkan laga soo siidaayay xabsi ku yaalla Israa’iil oo uu ku jiray 40 sano.
Wasiirka gaashaandhigga ee Israa’iil Yoav Galant ayaa soo saaray amarka ah in saddexda mas’uul lagala laabtay oggolaanshihii ahaa inay gudaha u soo geli karaan Israa’iil maadaama lagu eedeyay inay si aan habboonayn u adeegsadeen mansabkooda.




