Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka 4 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay gobolka Madiina ee Sacuudiga

4 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay gobolka Madiina ee Sacuudiga

Inta la xaqiijiyay 4 qof ayaa dhinteen halka 48 kalena ay dhaawacmeen ka dib shil laga soo tabiyay boqortooyada Sacuudi Carabiya, sida ay maanta sheegeen mas’uuliyiinta wadankaasi.
Shilka ayaa yimid ka dib markii bas ay dadkan saarnaayeen uu ku dhacay gaari xamuul ah oo marayay waddada Al-Hijrah ee gobolka Madiinah.
Shilka ayaa ka dhacay magaalada Al-Yutamah oo qiyaastii 90 kiilomitir u jirta magaalada Madiinah.
Baska ayaa saarnaayeen 45 rakaab ah.
Qaar ka mid ah dadka dhaawacyadu soo gaareen ayaa lagu daweeyay goobta shilka laga soo tabiyay ka hor inta aan loo gudbin xarumaha caafimaadka ee halkaasi ka ag dhawaa.
Waddada uu shilka ka dhacay oo ah mid mashquul badan oo dib u dayactir lagu sameeyay muddo ka badan laba sano ka hor, ayaa ka mid ah waddooyinka isku xira gobollada barakeysan Makka iyo Madiina.
Xujayda iyo dadka kale ee cibaadaysanaya ayaa inta badan adeegsada waddadaasi, si ay u booqdaan labada masjid ee kala ah masjidka Xaramka ee Makkah iyo masjidul Nabawi ee Madiina.
Sannadkii 2019-kii ayaa ahayd markii 35 xujey ah ay ku dhinteen waddo wayn oo u dhow tuulada Al-Akhal ee boqortooyada Sacuudiga, ka dib markii baskii ay la socdeen uu ku dhacay gaari xamuul ah.
Sacuudi Carabiya ayaa dhimasahda ka dhalatay shilalka waddoyinka ee dalkaasi lagu sheegay 12,317 sanadkii 2019-kii, sida laga soo xigtay qiyaas ay sameysay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments