Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Guddoomiyaha Wajeer oo dhallinyarada ugu baaqay inay warbixinnada ammaanka u gudbiyaan booliska

DHAGEYSO:Guddoomiyaha Wajeer oo dhallinyarada ugu baaqay inay warbixinnada ammaanka u gudbiyaan booliska

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Wajeer Jacob Narengo ayaa dhallinyarada ku boorriyay inaysan ka cabsan in laamaha ammaanka ay ku wargeliyaan dhacdooyinka wax u dhimaya xasiloonida guud ee bulshada.
Waxaa uu xusay in qofka warbixinta soo gudbiyay aan lagu dhibaateyn doonin.

Sidoo kale dhallinyarada ayuu kula taliyay inay ka fogaadaan isticmaalka maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.
Culimada ayuu ka codsaday inay masaajidda bulshada uga wacyigeliyaan dhibaatadan.

Mr. Jacob Narengo ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu ka qayb galay munaasabad lagu soo xirayay tartanka cayaarta kubadda laliska (Volleyball) kaasoo lagu qabtay magaalada Wajeer.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments