Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Xildhibaankii hore ee waqooyiga Laikipia oo racfaan ka qaadanaya xarig hal sano...

Xildhibaankii hore ee waqooyiga Laikipia oo racfaan ka qaadanaya xarig hal sano ah

Mudanihii horay baarlamaanka ugu matali jiray dadweynaha ku nool deegaanka waqooyiga ismaamulka Laikipia Mathew Lempurkel ayaa maxkamadda geeyay dacwad racfaan ah.
Waxaa uu doonayaa in ay maxkamadda meesha ka saarto xukun ah inuu muddo hal sano xabsiga ku jiro ka dib markii lagu helay inuu ku xadgudbay xildhibaanadda deegaankaasi Sarah Korere.
Lempurkel ayaa haweeneydan dharbaaxay 21-kii bishii November ee sanadkii 2016-kii xilli ay labaduba ku sugnaayeen xafiiska wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee dalka Joseph Nkaissery .
5-tii bishan ayay ahayd markii garsoore Hellen Onkwani ay mas’uulkan hore ku xukuntay xabsi hal sano ah iyadoo aynan u furnayn in ganaax lacageed uu bixiyo.
Hasa ahaate qareenka u doodaya Lempurkel oo lagu magacaabo Saitabao Kanchori ayaa ku andacoonaya in maxkamadda ay khalad sameysay xilligii ay xukunka xarigga ah soo saareysay.
Waxaa uu sheegaya in Sarah Korere oo ay maxkamaddu ku sheegtay dhibane ay iyada gardarro sameysay taasoo keentay xadgudubka.
Mathew Lempurkel ayaa hadda doonaya in damiin lacageed lagu siidaayo inta laga soo afjarayo dhageysiga racfaanka uu gudbiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments