Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Midowga Musharrixiinta oo dhaliilay habka ay u socota doorashada Golaha Shacabka

Midowga Musharrixiinta oo dhaliilay habka ay u socota doorashada Golaha Shacabka

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta kulan ku yeeshay xubnaha Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo saluugsan habka ay ku socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka.
Kulanka oo uu shir guddoominayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay diirada ku saareen ka hadlida walaaca ay ka qabaan doorashooyinka socda oo qaarkood ay sheegeen in si boob ah lagu bilaabay doorashada.
Afhayeenka Midowga Musharrixiinta Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo ah ay raadinayeen in dalka laga qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo watigeeda ku dhacda balse ay suurtageli waysay.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Midowga musharrixiinta dadaalkooda ay keentay in ay ka hortagaan muddo kororsi, sidoo kale welina ay raadinayaan in dalka ka dhacdo doorasho huufan oo xalaal ah.
Musharrax Daahir Geelle oo sii hadlayay ayaa sheegay in sida hadda ay ku socoto doorashada laga dhaxli doono burbur, hanaan foolxun iyo in dalka meel xun gaaray, wuxuuna sheegay inay bilaabi doonaan kulamo ay la qaadanayaan, Ururada ada Bulshada Rayidka, Odayaasha Dhaqanka iyo saraakiisha Ciidamada, kaas oo ay kaga tashan doonaan arrimaha doorashooyinka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments