Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Kooxo hubaysan oo arday iyo macalin ku dilay dalka Cameroon

Kooxo hubaysan oo arday iyo macalin ku dilay dalka Cameroon

Dabley aan la aqoonsan ayaa weerar ku qaaday iskuul ku yaalla magaalo ku taal gobolka Koonfur-galbeed ee ay rabshaduhu ka socdaan wadanka Cameroon, halkaasoo ay ku dileen ugu yaraan saddex arday iyo hal macallin ah , sida ay sheegtay koox u dooda xuquuqda aadanaha.
Xarunta Xuquuqul Insaanka iyo Dimuqraadiyadda Afrika ee CHRDA ayaa bayaan ay soo saartay maanta ku sheegtay in dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerarka ka dhacay Ekondo Titi.
Waxa ayna sheegtay in ardayda la dilay ay da’doodu kala tahay 12, 16 iyo 17 jir, halka qofka afraadna uu ahaa macalin luuqadda Faransiiska ah barayay ardayda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments