Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ciidamada dowladda Soomaaliya oo looga digay inay farageliyaan doorashada

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo looga digay inay farageliyaan doorashada

Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ayaa uga digay ciidamadooda inay si toos ah ama si dadban ugu lug yeeshaan doorashada hadda socota.
Taliyaha ciidamada dhulka Janaraal Maxamad Tahliil Biixi ayaa sheegay in sarkaalka ama askariga lagu helo inuu doorashada farogaliyo uu mudan doono ciqaab adag.
Janaraal Maxamad Tahliil Biixi ayaa sheegay in ciidamada ay uga digayaan inay ku lug lahaadaan doorashada isla markaana ay shaqadooda inay sugaan amniga magaalooyinka ay doorashada ay ka dhacayaan iyo kuwa aysan ka dhaceynin.
“Kama qeybgaleyno doorashada, doorashada waa in aan ammaankeedu sugno, waajibaadka qaranka uu nagu leeyahay waa in aan kasoo dhalaalno, marka ergo kama qeybgaleyno”
Janaraal Biixi ayaa warkan ka sheegay booqasho uu ku marayay xeryaha ciidamada milatariga ee gobolka Shabeellada Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments