Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Doorashada 5 kamid ah kuraasta golaha shacabka Soomaaliya oo maanta ka...

Doorashada 5 kamid ah kuraasta golaha shacabka Soomaaliya oo maanta ka dhacday Muqdisho

Waxaa Xarunta Dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, Maanta ka dhacday doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay Gobollada Waqooyi ee Somaliland, iyada oo ay ku tartameen musharrixiin dhowr ah.
Goobta doorashada ayaa waxaa ku sugnaa Guddiga Maamulaya doorashooyinka Gobollada Waqooyi & xubno kamid ah guddiga doorashooyinka heer Federaal & mas’uuliyiin kale oo ka socda dowladda Soomaaliya, iyada oo ay codeynayaan 101 Ergo oo la soo xulay.
Kursiga koowaad ee doorashada Maanta ayaa waxaa ku tartamay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamad Cabdi Xayir Maareeye & Cabdiraxmaan Warsame Saciid, waxaana kursiga Hop225 Golaha Shacabka ku guuleystay Maxamad Cabdi Xayir Maareeye oo helay 96 Cod halka Cabdiraxmaan Warsame Saciid uu helay 3 Cod, waxaana halaabay laba Cod.
Kursiga labaad ee HOP202 ayaa waxaa qorshuhu ahaa inay ku tartamaan Aamino Cumar Jaamac iyo Aamino Cismaan Diiriye, hayeeshee Goobta doorashada ay kaga dhawaaqday Aamin Cismaan Diiriye inay tanaasushay, waxana cod gacan tag ah 101 Ergo oo goobta ku sugnaa ay ugu codeeyeen Aamino Cumar Jaamac.
Kursiga Saddexaad ee HOP210 ayaa waxaa qorshuhu ahaa inay ku tartamaan Faadumo Xasan Cali iyo Hoodo Cabdi Xaashi, balse kursiga ay ku guuleysatay Faadumo Xasan Cali ka dib markii ay u tanaasushay Hoodo Cabdi Xaashi.
Kursiga Afaraad ee Hop#208 ayaa waxaa ku tartamay Maxamad Haaruun Cabdullaahi iyo Axmad Cali Maxamuud, waxaana 99 Cod ku guuleystay Maxamad Haaruun Cabdullaahi, halka musharrixii la tartamayayuusan helin wax cod ah, waxaana afartii sano ee la soo dhaafay kursigaan ku fadhiyay Xildhibaan Jamaal Xasan Ismaaciil.
Kursiga ugu dambeeya ee doorashada Maanta ee Shanaad ayaa waxaa ku tartamay Axmad Cismaaan Diiriye iyo Dayib Cabduqaadir Jaamac, waxaana ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#233 ee golaha shacabka Axmad Cismaaan Diiriye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments