Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Raila oo maanta socdaal ku maraya ismaamulka Trans Nzoia

Raila oo maanta socdaal ku maraya ismaamulka Trans Nzoia

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa maanta lagu wadaa in ololihiisa doorashada geeya ismaamulka Trans Nzoia.
Madaxda siyaasadeed ee dowlad deegaankaasi ee taagersan Mr. Odinga ayaa lagu wadaa inay halkaas ku qaabilaan.
Waxaa uu halkaasi u tagayaa si uu ula hadlo dadweynaha ismaamulkaasi, waxayna tani qayb ka tahay xoojintiisa hiigsiga mideynta bulshada ka hor inta uunan 9-ka bisha Diseembar shaacin musharraxnimadiisa.
Waxaa la filayaa inuu isku soo baxyo siyaasadeed ku qabto Sibanga, Maili Saba, Kolongolo, Endebbes, iyo Matisi ee ka tirsan ismaamulka Trans Nzoia.
Ka dib waxa uu socdaalkiisa ku soo afmeeri doonaa isu soo baxyo waawayn oo ka dhici doona magaalada Kitale iyo Kiminini.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments