Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Midowga musharraxiinta oo ka digay in la boobo doorashada golaha shacabka

Midowga musharraxiinta oo ka digay in la boobo doorashada golaha shacabka

Golaha Midowga Musharraxiinta Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujiyay dib u dhaca isdaba-joogga ah, daahfurnaan la’aanta iyo daahitaanka ay sheegeen inuu ula kac yahay ee doorashooyinka.
Golohu wuxuu sheegay inay dadaal xooggan ku bixiyeen inuusan muddo kororsi dalka ka hirgelin, ayna weli u taagan yihiin hor istaaga waxay ku tilmaameen muddo kororsi dadban iyo doorasho boob ah, taasoo baalmarsan dastuurka dalka, cadaaladda iyo habraacyada doorasho.
Qoraal ka soo baxay midowga musharraxiinta Soomaaliya ayaa la sheegay in Xaaladda uu dalku ku suganyahay ay tahay mid uusan xamili Karin sidoo kale aan loo baahnayn doorasho loo daahiyo dano gaar ah ama la boobo, maadaama ay tilmaameen in daaha doorashada ama boobka doorasho ay dalka u horseedayso xaalad aan la mahdin.
Midowga musharraxiiinta Soomaaliya ayaa ku boorrinaya rw Maxamad Xuseen Rooble inuu dalka ku hoggaamiyo sida dastuurka waafaqsan oo ay dalka ka qabsoomaan doorasho xor iyo xalaal ah, daahfurnaan leh, waqtigooduna cayimanyahay.
RW waa inuu tixgeliyay kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed iyo saamileyda iyaasadeed siiyeen, mas’uuliyadiisana uu si dhab ah uga soo dhalaalo ayaa warka midowga musharaxiinta lagu yiri.
Midowga Musharraxiinta ayaa soo jeediyay Lix qodob oo kala ah.
1-In la helo jadwal doorasho oo mideysan oo ay ku caddahay taariikhda bilowga doorashada xubnaha Golaha Shacabka iyo dhammaadkeeda.
2- Inay doorashadu noqoto mid daahfurnaan ku dhacda, loona madaxbanneeyo odayaasha dhaqanka beesha kursiga ku astaysan soo xulista ergada, fursad simanna loo siiyo tartamayaasha oo idil, goobta doorashadu ka dhacaysana loo sinnaado.
3- Madaxda maamul Goboleedyadu waxay awood u lahaayeen magacaabista kuraasta Aqalka Sare, Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba waxay marag ka ahaayeen sidii loogu takrifalay doorashadii Aqalka Sare marka laga reebo meelo kooban.
4- Goluhu wuxuu ka digayaa cawaaqib xumida ka dhalan karta in la boobo doorashada kuraasta Golaha Shacabka, Dalku wuxuu ka soo kabanayaa colaad sokeeye, doorasho la boobana natiijadeedu waa colaad sokeeye, sidaas darteed waa inaan si wadajir ah uga hortagnaa boobka doorashada.
5-In la helo korjoogto ka socota bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka, si loo hubiyo hufnaanta doorashada.
6-Goluhu ma aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn oo maalinba kuraas tiro yar la shaacinayo, Wuxuu kaloo aqbali doonin doorasho la boobo, lagu shubto oo beelihii xaqa u lahaa kursiga la dulsaaro dad aysan iyagu soo dooranin.
Intaasi waa qodobbada ay arrimaha doorashada Soomaaliya ka soo saareen midowga musharraxiinta Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments