Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wakiilka QM oo ku baaqay in doorashada goolaha shacabka Soomaaliya si deg...

Wakiilka QM oo ku baaqay in doorashada goolaha shacabka Soomaaliya si deg deg ah loo qabto

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee u qaalbisan arimaha Soomaaliya Danjire James Swan ayaa ku baaqay in doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya la soo gabagabeeyo ka hor dhammaadka sanadkan.
Wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo kuraasta aqalka sare ee la dhameystiray oo 14 ka mid ah ay haween yihiin, iyo billaabashada doorashada golaha shacabka.
James Swan oo Arbacadi Golaha Ammaanka ee qaramada Midoobay uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya wuxuu sheegay inuu bogaadinayo dadaallada billowga ah ee socdo oo lagu doonayo in lagu dhaqaajiyo doorashada golaha wakiillada shacabka.
Iyadoo James Swan xilliga uu warbixinta soo jeedinayey ay madasha ku wehliyeen Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo Marwo Caasha Siyaad oo u ololeysaa sidii ay haweenka qoondadooda 30 boqolkiiba uga heli lahaayeen doorashooyinka.
Swan wuxuu sheegay in horumar laga gaaray hannaanka doorashada Soomaaliya, waloow uu gaabis ka muuqdo. Wuxuuna sheegay inuu soo dhaweynayo doorashada dhawaan la soo gaba gabeeyay ee dhammaan 54-ta kursi ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Wuxuna intaa ku daray iney tahay tallaabbo dhiiragelin leh in 14 haween ah ay dhawaan la wareegi doonaan xilka sanatarnimo, tiradaas oo ka dhigan 26 boqolkiiba xubnaha Aqalka Sare. Sidoo kale waxaa dhiirigelin leh inay bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, iyadoo 2 ka mid ah 275- kii kursi la soo doortay, waxaana toddobaadkaan la shaaciyay in doorashada 11 kursi oo dheeri ah ay bilaabaneyso.
Wuxuu intaa raaciyey marka laga soo tago diyaargarowga doorashada heer qaran, ay si nabad ah u qabsoomeen doorashooyin toos ah oo bishii Oktoobar ka dhacay saddex degmo oo ka tirsan Puntland, taasoo muujisay suurtagalnimada in doorasho qof iyo cod ah ay dhici karto waxayna hoosta ka xariiqeen rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan ka qaybgalka siyaasadda iyadoo la raacayo nidaamka caalamiga ah ee doorashooyinka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments