Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo kordhisay barnaamijka shaqo abuurka ee xaafadaha

Dowladda oo kordhisay barnaamijka shaqo abuurka ee xaafadaha

Dowladda dhexe ayaa kordhisay muddada uu sii jiraya barnaamijka nadaafadda ee xaafadaha ee loo yaqaano Kazi Mtaani.
Qorshahan oo shaqo abuur loogu sameynayo dhallinyarada ayaa socon doonaa ilaa sanadka 2022-ka.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka Charles Hinga ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu xusay in laga billaabo Jimcada la billaabayo diiwaangelinta dhallinyarada dheeraadka ah ee loo shaqaaleysiinaya barnaamijkan.
Diiwaangelinta ayaa laga sameyn doonaa in ka badan 900 oo ah meelaha ay dadweynaha ku nool yihiin ee aan sida rasmiga ah loo deegaamayn guud ahaan 47-da ismaamul ee uu wadanku ka kooban yahay.
Dowladda dhexe ayaa sheegtay in ugu yaraan 280,000 oo dhallinyaro ah ay ka faa’iidaysteen wajiyadii koowaad iyo labaad ee barnaamijka Kazi Mtaani.
Waxaa howshan ilaa iyo hadda ku baxay dhaqaale dhan 10 bilyan oo shilin sida laga soo xigtay Charles Hinga.
20-kii bishii hore ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu khudbadiisi maalinta qaran ee halyeeyada ku sheegay in barnaamijkan uu sii socon doono.
Waxaa uu Mr. Kenyatta xusay in nidaamkan uu wax ka beddelay nolosha kumanaan dhallinyaro ah.
Bishii Afaraad ee sanadkii hore ayay ahayd markii dowladda ay billowday barnaamijkan si nolol maalmeed ay u helaan dhallinyarada shaqo la’aanta ah iyo qaybaha bulshada ee dhibaatooyinka u nugul.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments