Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Goobtee lagu fulin doonaa xukunka dilka ah ee lagu riday askartii AMISOM?

Goobtee lagu fulin doonaa xukunka dilka ah ee lagu riday askartii AMISOM?

Howlgalka AMISOM ayaa ka hadlay xukunnada kala duwan ee isugu jiray toogasho iyo xarig kaas oo dhawaan lagu riday askartooda.
AMISOM waxay sheegtay in askartan lagu helay dambiga ah in dad rayid ah ay ku laayeen deegaanka Golweyn ee Shabeellaha Hoose.
Waxaa ay sidoo kale sheegtay in askartan dib loogu celin doono dalka Uganda halkaas oo lagu fulin doono xukunada kala duwan ee lagu riday.
War saxaafadeed kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta amniga shacabka iyo hantida marka ay howlgallada ka fulinayaan gudaha Soomaaliya.
Dhacdada oo ahayd bishii Siddeedaad ee sannadkan, waxaa lagu dilay toddobo qof oo shacab ahaa, waxaana la sheegay in qaarkood lagu dul fadhiisiyay miino, ka dibna lagu qarxiyay.
Labo ka mid ah askartii la soo eedeeyay oo u dhashay Uganda ayaa lagu xukumay dil, halka saddexda kalena lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments