Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Doorasho aqalka sare oo maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb

Doorasho aqalka sare oo maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb

Magaalada Dhusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto doorashada labo kursi oo ka mid ah Aqalka Sare, kuwaasoo dhawaan uu shaaciyay liiskooda Madaxweynaha maamulkaasi.
Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa dooran doona Musharraxiinta labada Kursi ee ugu dambeeyay ee Aqalka Sare.
Waxaa lagu waddaa in doorashada maanta dhaceysa ay kusoo baxaan Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Cabdi Cismaan Xareed maadaama labada shakhsi ee la tartamaysa ay horay u ahayn musharraxiin ayna yihiin malxiisiiyiintii lagu yaqaanay doorashada.
Labadan kursi ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay ee ka harsanaa 54 kursi ee uu ka kooban yahay aqalka sare ee dalka Soomaaliya iyadoo horay loo dhameystiray doorashada 52 kursi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments