Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo dhisaysa in ka badan 11,000 oo fasallo cusub ah

Dowladda oo dhisaysa in ka badan 11,000 oo fasallo cusub ah

Dowladda dhexe ayaa xarigga ka jaraysa dhismaha fasallo cusub oo kor u dhaafaya 11,000 oo laga hirgelinaya ugu yaraan 7,000 oo ka mid ah dugsiyada wadanka.
Waxay tani qayb ka tahay fulinta amarkii madaxweyne Uhuru Kenyatta ee maalintii halyeeyada.
Wasaaradda tacliinta ayaa dadaal ku bixinaysa sidii loogu guulaysan lahaa dhaqangelinta manjahka cusub ee waxbarashada ee CBC si ardayda dhameeya dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol ugu gudbaan dugsiyada sare.
Waxaa dalka ka jiro gaabad dhanka fasallada waxbarasho oo ah ugu yaraan 20,000 balse wasiirka wasaaradda tacliinta Prof. George Magoha ayaa sheegaya in la dhisi doono 11,578.
Mashruucan waxaa dowladda dhexe uga baxaysa 9 bilyan oo shilin.
Ismaamulka Garissa ee gobolka waqooyi bari ayaa laga dhisi doonaa 42 fasal oo hor leh halka Marsabit tiradan ay tahay 38.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments