Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Dowladda Itoobiya oo shuruudo ku xirtay xabad joojinta Tigray

Dowladda Itoobiya oo shuruudo ku xirtay xabad joojinta Tigray

Dowladda dhexe ee dalka Itoobiya ayaa soo saartay shuruudo ay doonayso in la fuliyo si ay qayb uga noqoto wada hadallo ay xabad joojin uga dhaqan galayso gobolka waqooyi ee Tigray.
Wada hadalladan ayaa lagu wadaa inay la yeelato xoogagga xoreeynta shacabka gobolkaasi ee (TPLF).
Tani ayaa imaanaysa ka dib maalmo ay socdeen dadaallo dibloomaasiyadeed oo heer caalami ah oo looga gol-leeyahay in lagu soo afjaro colaadda gobolkaasi ka jirtay muddo sanad ah.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, Dina Mufti ayaa sheegay in shuruudaha ay ka mid tahay in kooxda TPLF ay isaga baxdo gobollada Amhara iyo Afar ee dariska la ah Tigray.
Sidoo kale xoogaggan ayaa laga doonaya inay weerarrada joojiyaan sidoo kalena ay aqoonsadaan jiritaanka xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments