Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Dowlada Soomaaliya oo digniin ka soo saartay dhulka la boobayo

Dowlada Soomaaliya oo digniin ka soo saartay dhulka la boobayo

Warqad kasoo baxday Xafiiska garyaqaanka guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya , Dr; Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa looga digay in la boobo dhulka dowladdu ay leedahay, iyadoo loo marayo qaab aan sharci ahayn.
Gar-yaqaanka ayaa u digay hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo cid kasta oo ku howlan qabsashada cabirashada ama wax kasta oo wax ka beddelaya asalka dhulalkaas inay ka waantoobaan.
Warqadaan oo sigaar ah ugu socotay Maamulka degmada Afgooye ee gobolka shabeelada hoose ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah dhulalka danta Guud ee degmadaasi ay boobayaan dad Shacab ah, iyagoo garab ka helaya dad mas’uuliyiin ah.
Warqada uu soo saaray Garyaqaanka guud ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Iyadoo la tixraacayo Xeerarka (Dekreetooyinka)
Madaxweynaha JFS ee 2017 iyo 2021, kuwaasoo dhammaantood timaamayay in dulalka Danta guud aan lagu takri fali Karin, qaab sharci darro ahna lagu milkin Karin, cidna la sin Karin, loo cabbiri Karin, laga kirayn Karin ayadoo aan loo marin habraacyada Sharciga Waafaqsan uu Sidaa darteed, Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladdu ku wargelinayaa dhammaan Shacabka, Hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo cid kasta ee ku hawlan arimahaan inay ka waantoobaan sidoo kale waxaa la farayaa Masuulyinta Warqadani sida tooska ah ugu socoto inay joojiyaan falalka sharci darrada ah iyo boobka lagu hayo dhulalka sare ku xusan.
Ugu dambeyntii Garyaqaanka Guud ee Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeeyay guud ahaan Musuuliyiinta Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan kuwa Degmada Afgooye inay xil iska saaraan ilaalinta dhammaan Hantida Danta Guud iyo si gaar ah kuwa ku xusan warqaddan
Warkaan digniinta ah ee kasoo baxay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli bilihii la soo dhaafay ay soo baxayaan inay socdaan qorsheyaal ay shaqsiyaad gaar ah doonayaan inay dhul boobay ku gaystaan, isla markaana Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kasoo saaray xeer lagu joojinayo dhamaan in hantida danta guud ah la boobo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments