Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Laba sarkaal oo ka tirsan Ciidamada GSU-da dalka oo lagu dilay Laikipia

Laba sarkaal oo ka tirsan Ciidamada GSU-da dalka oo lagu dilay Laikipia

Labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada qeybta adeegga guud ee dalka loo yaaqanao GSU-da ayaa maanta lagu toogtay israsaaseyn xooggan oo ay la galeen kooxo burcad ah ee deegaanka Laikipia.
Sido kale sarkaal boolis ah ayaa ku dhaawacmay rasaasta dhexmartay laamaha ammaanka iyo burcadda.
Sida ay booliisku sheegeen, ciidamadan ayay burcaddu kaga horyimaadeen meel waxyar u jirta saldhigga booliiska Kamwenje ee galbeedka Laikipia, taasoo keentay in rasaas xooggan ay halkaas ka dhacdo.
Ma cadda in ay jiraan dhimasho dhanka burcadda ah.
Booliska ayaana sheegay in ragga weerarka geystay ay ku hubeysnaayeen qoryo, ayna diyaar u ahaayeen dagaal.
Laamaha ammaanka ayaa hawgalo xoogan ka wada ismaamulka Laikipia ka dib markii kooxaha burcadda ah ay xoojiyeen dhibaatooyiinka ay ka gaysanayaan Laikipia

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments